|

Suldaanka Ugu Da’da weyn Madax-dhaqameedka Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Duullaanka Soomaaliya & Taariikhda Xuduudda Oo Uu Faalleeyay

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaanka guud ee Beelaha Gobolka AWDAL ee Somaliland Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, ayaa si adag uga hadlay Faro-gelin qaawan oo Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedka Puntland oo is-bahaysanayaa ku hayaan Somaliland.

Suldaan Saleebaan wuxuu ka hadlay Dagaal Toddobaadkan ka dhacay Magaalada Tuke-raq ee Gobolka Sool, halkaasi oo Ciidammada Qaranku ka qabsadeen Ciidamo u joogay Puntland, dagaalkaas oo uu sheegay inuu ka dhashay Gar-darro lagu hayo Somaliland.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo Kontonkii Sannadood ee u dambeeyay ahaa Suldaan, ayaa Shir-jaraa’id oo uu qabtay kaga warramay Taariikh dheer oo la xidhiidha dhibaatada ka taagan Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in wanaagsan tahay in Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Gobollada Sool iyo Sanaag-bari ee ay Haybta wadaagaan Dadka Puntland ay dhinac uun iskugu Lugo-dudaan, maaddaama oo sheegashada Puntland ee Dhulkaasi salka ku hayso Haybta Dadka halkaa deggan.

Suldaanka Guud oo ugu horreyn ka hadlaya waxa keenay Dagaalka Tuke-raq ayaa yidhi “Beryahan waxa socda wax Xadka ku saabsan oo Saan-saan Dagaal u eg, muddo dhawayd waxaan maqlayey Wasiir Koonfur (Soomaaliya) ka yimid ayaa yimid Badhan, halkaa wixii ka bilaabmay Maanta waxay joogaan Ciidammadii Somaliland oo Ruqaansaday iyo Dhiggoodii oo soo hor-jooga, markaa arrinta aan doonayo inaan ka hadlaa waa taas iyo Xadka.”

Suldaan Saleebaan wuxuu sheegay in Difaaca Xuduudka Somaliland tahay Arrin Muqadas ah, isagoo xusay in Gar-darrada Soomaaliya muddo ku socotay Somaliland “Madaxweynaha laga bilaabo illaa Ciidammada waxaan leeyahay Gardar-rado way soconaysay muddo badan, Xuduudaha Difaacoodu waa Muqadas ee dul-qaadna ha lagu daro. Biyo fadhiya waxa kiciya Biyo socda, innaga Duulaan baa inna kicinaya, laakiin intii la dul-qaadan karo hala dul-qaato. Walaalaha kale ee soo duulaya waxaan leeyahay Gar-darrooyinka aad waddaan daaya, Gar-darrada aan sheegayo oo keliya maaha, ee Gar-darrooyin badan baad waddaane daaya.”

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil waxa kale oo uu ka warramay taariikha Xuduudaha “Xuduudaha waxa loo dhigay haddaan soo qaato, Soomaalida kuwa khuseeya, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Xuduudaha badaha, Hawada, intaasiba Xuduudo ayay ahayd oo Ajanabigii haysan jiray baa dhigay Xuduudahaa. Xuduudahaa wixii laga yidhi haddaydaan War u haynin qoladiinan Koonfur ka soo duulaysaa Dadka toyda (Waraysta), Xuduuduhu Afrika oo dhan iyo Ajanabi kale ayay wada khuseeyaan baa la yidhi, Xuduud imika halkeeda laga dhaqaajinayaa ma jirto ayaa la yidhi oo sidaas ayaa la isku wada sudhan yahay, malaha Dadkii Arrimahaa ogaa way idinka dhamaadeene Dadka Toyda, Xuduudkaa yar ee aad yaraysanaysaan (Xuduudka Somaliland) ee gudbani Xuduudaha ayuun bay la mid tahay ee Bismilaysta, Qirid la’aantiinu waa Gar-darro ee bismilaysta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Mid kalena waa Gar-darro, Xuduudahaa aan sheegay ee aynu la leenahay Dawladaha kale, haddaan Masaal soo qaato, Qoyskayaga badhna Jabuuti buu joogaa, badhna halkan (Somaliland) ayaanu joognaa, Walaaladay badhna Itoobiya ayay joogaan, badhna halkan (Somaliland) ayaanu joognaa, Beertayada waxa kala qaybisa Xuduudka (Somaliland iyo Itoobiya), kuwa xaggaa joogaa na damci maayaan oo odhan maayaan Jabuuti baanu ku daraynaa ama Itoobiya ayaanu ku daraynaa, Annaguna odhan mayno Dad isirkayaga ah ayaa Itoobiya naga jooga oo waanu ku duulaynaa, Dad aanu wada dhalanay ayaa Jabuuti jooga oo waanu ku duulaynaana odhan mayno, markaa taasina waa Gar-darro labaad oo aad samaysaane daaya (reer Puntland-oow) oo Xuduudda qira.”

Suldaanka Guud ee Beelaha Samaroon ee Somaliland wuxuu farriin u diray Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Gobollada bariga, gaar ahaan deegaannada ku teedsan Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland “Waxaan maqlayey meeshii uu cishadii dhawayd Wasiirku Reernimada ku yimid (Badhan) Dadkii joogay oo leh ‘Annagu waxaanu nahay Soomaaliya oo ma nihin Somaliland’, taasi wax jira maaha. Waxaan leeyahay Xaggeena wixii Reero ah ee Xadka ku teedsan ha loo fiirsado oo Laba-lugoodintu waa dhibaatee hala daayo, oo Walaalaheenaa marna Somaliland-ta ah, marna Soomaali-weynta ahi Xuduuddaa xukumaysee Laba-lugoodinta hala daayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Shirkiisa jaraa’id ku soo daray Gabay hoga-tusaale ah oo uu kaga hadlay sababaha keenay Xuduudaha loo dhigay, Cidda dhigtay iyo sida Xad walba uu halkiisa u ahaanayo oo aan la beddeli karin, waxaanu ku bilaabay sidan:-

Innagoon baraarugin markii la inna kala boobay

Baarliin Shirkii lagu qabtee Badowda loo koodhay

Ee Beledka Soomaaliyeed Buugga lagu qaybshay

Biritaaniya haysan jiray teena Berigii

Boqortooyadii bay ahayd Beesha reer Yurub

Baal-dahabiyo waxa lagu qoray meel aan baaba’in

Punland lama Aqoon iyo Xarfahan haatan soo baxay

Baartada Talyaaniga horaa buug inoo dhacay

Boondharigii Gaaladu dhigeen waa bartii hore

Ee Ninkii Beer Nin Kale doonayaa ha iska soo baxo.”

Suldaanku waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id ku soo qaatay Gabay oo hore ugula hadlay Beelaha Harti ee deggan Gobollada bariga Somaliland ee Xuduudka ku teedsan, waxaanu yidhi “Markii reerkan Harti ee Somaliland deggani Laba-lugoodiyeenna waan hadlay oo waxaan idhi:-

Haddii aan Garaadkii dhamaan oon Garashadii suulin

Laan Gebi ku taalla Bahal Geel wuu ku layn jiray

Hartoow labada Geedeed fadhido Go’e mid uun aamin

Oo Laba Gacmood waa Belee gees iskugu weeco

Waa Goob Colaadeed halkaad galabta joogtaaye

Haku goosmin waa lagu gubtaa laba Gar-daymoode.”

Leave a Reply