|

”Waxaan Magaaladda Qudus u aqoonsanahay Caasimadda Israa’el Waxaana Loo rarayaa Safaaradii Maraykanka ee Magaaladda Tel Aviv oo la gayn doono Jerusalem amase Qudus” Madaxweyne Donald Trump oo Qudus u aqoonsaday Caasimadda Isra’il DAAWO 

Washington 06. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump oo Caawa ka hadlayay Magaaladda Washington ayaa Si buuxda u Shaaciyey in Magaaladda Qudus ee arlada falastiin ay tahay Xarunta waddanka Isra’il Isla markaana uu si buuxda ugu rari doono Safaaradiisii ku taalay Magaaladda Tel Aviv lana gayn doono Magaaladda Qudus.

Madaxweyne Trump waxa uu cadeeyay inuu u aqoonsan yahay in Magaaladda Qudus ay tahay Xarunta waddanka Israa’il waxaanu xusay inuu go’aankiisu sidaas ku dhaqangeli doono.

Dhanka kale Madaxweyne Donald Trump ayaa dhegaha ka furaystay dhawaqyo tiro badan oo kaga imanayay dunnida inteeda kale oo uga digay in Maraykanku uu Magaaladda Qudus u aqoonsado xarunta waddanka Israa’il iyagoo ku doodayay inay lumayso kaalintii dhexdhexaadnimo ee Maraykanku ka ciyaarayay xiisada ka dhex oogan Israa’il iyo Falastiin.

Geesta Kale Ciidamadda Maraykanka ee Ku sugan waddamada Islaamka ayaa xoojiyey amaanka Safaaradahooda iyagoo ka cabsi qaba fal celin ka dhan ah Go’aankii Madaxweyne Donald Trump inay kaga timaado shacabka dalalka Muslimiinta oo si xoogan uga cadhooday qaraarka uu Madaxweyne Trump ugu aqoonsaday in Magaaladda Qudus ay tahay Caasimadda Israa’il.

Sidoo Kale Madaxda dalalka Carabta ayaa digniin culus u diray madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump , kadib qaraarkii uu ku go’aamiyo in safaaradda Maraykanku ku leeyahay  magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Isra’il loo rari doono magaalada Qudus.

Madaxda wadamada Carabta ayaa xidhiidh ay la sameeyeen madaxweynaha Maraykanka waxay ku wargaliyeen in ay cawaaqib xumo weyni ka dhalan karto go’aankan uu safaaraddiisa ugu raraayo magaalada Qudus ee dhulka Falastiin.

Boqorka dalkaasi Sucuudiga ayaa sheegay in talaabadan haddii la qaado ka hor in ta aanay Falastiin iyo Israel gaadhin nabadgelyo kama dambays ahi ay keeni karto fal celin fool xun oo ka timaada Muslimiinta waxaa kale oo ay arrintan ku sifeeyeen daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta.

Dhanka kalena madaxweynaha dalkaasi Turkey-ga oo ka hadlay arrinta Qudus ayaa sheegay inuu dalkiisu xidhiidhka u jari doono dawlada Israel .

Madaxweyne Rajab Ordugan waxa uu ku Hanjabay  inay la dagaalami doonaan cid kasta oo Qudus u aqoonsata caasimad dal kale waxaanu xusay inuu dagaalku sii soconayo ilaa la gaadho hadafka ugu danbeeya.

Geesta kale Hogaamiyeyaasha Siyaasadda falastiin ayaa shacabka ugu baaqay isu soo baxyo balaadhan oo ay samayn doonaan Maalinta Jimcaha ee soo socota si ay dunnida ugu bandhigaan sida ay uga soo hor jeedaan in Qudus ay Caasimad u noqoto Israa’il.

Siday Dunida uga jawaabtay go’aanka Trump

Israa’iil: Ra’iisalwasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu,ayaa ku tilmaamay go’aan taariikhi ah oo caadil ah.

Falstiin: Afhayeen u hadlay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegay in ”albaabadii cadaabta” ay furmeen.

Faransiiska: Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yiri ”Ma taageersanin go’aankan oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah waana mid shaleyto mudan”.

Turkiga: Wasiirka arrimaha Turkiga ayaa ku tilmaamay tallaabo Kheyrul-mas’uulnimo ah.

Paksitan: Dowldda Pakistan ayaa tiri ”waxaa shallayto mudan in Trump uu iska dhaga tiray baaqyadii caalamka oo dhan uga imaanayay”.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa wallaac ka muujiyay arrintan waxayna ka digeen xiisadda oo cirka isku sii shareerto.

Ra’iisalwasaaraha UK Theresa May ayaa sheegtay inay Trump arrintan kala hadli doonto.

Midowga Yurub iyo ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go’aanka Trump.

Comments are closed