|

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Aammusnaan Kaga Baxay Hargeysa Iyo Guud-marka Afhayeenka

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Xubno Wasiirro ah, Guddoomiyaha Kulmiye iyo Marwadiisu, ayaa Jimcihii shalay ka dhoofay magaalada Hargeysa, isla markaana Safar aan la sii shaacin ugu kicitimay Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ka dib markii uu Marti-qaad rasmi ah ka helay Raysal-wasaaraha Federaalka Itoobiya Hailemariam Desalegne, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyadu.

siilaanyo iyo sagootinMadaxweynaha iyo Weftigiisa, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Addis Ababa markii ay gaadheen, halkaasoo la sheegay inay ku qaabbileen Masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, waxaana la filayaa inay xalayba kulammada labada dhinac bilaabmeen, inkastoo aan war rasmi ah weli laga soo saarin.

Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu dhoofayey aan wax war ah siinnin Saxaafadda, waxa uu Salaan-sharaf Madaxtooyada kaga qaatay Ciidammada qalabka sida Askar ka tirsan, waxaana sii sagootiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiramxaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan.

“Safarka Madaxweynaha ee dalka Itoobiya waxa uu daarran yahay Marti-qaad rasmi ah oo uu Madaxweynuhu ka helay Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, kaasoo ah inuu Madaxweynuhu uu kulan rasmi ah la yeelan doono Raysal-wasaaraha iyo Xukuumaddiisa, arrimaha ay ka wadahadlayaanna waxay daarran yihiin; arrimo badan oo dalalka Itoobiya iyo Somaliland ka dhexeeya.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Dayr) oo Weriyeyaal ka socday TV-yada Hargeysa ka hawlgala kula hadlay Xarunta Madaxtooyada.

Xuseen-Dayr oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray; “Ha noqoto arrimaha horumarka, iskaashiga xagga dhaqaalaha, nabadgelyada, ka wada-shaqaynta xasilloonida iyo nabadgelyada Mandaqadda. Guud ahaan wuxuu qaadan doonaa Safarka Madaxweynuhu laba illaa saddex cisho, waxyaabaha laga wadahadlana marka Madaxweynuhu soo noqdo ayaannu Warbixin ama War-saxaafadeed ka soo saari doonnaa.”

Geesta kale, Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr oo la weydiiyey cidda ku hadli karta Afka Xukuumadda, ayaa si aan taxaddir lahayn uga jawaabay su’aashaas, waxaanu yidhi; “Madaxweynaha Somaliland laba Koofiyadood buu sitaa, mar waa Masuulka Qaranka ugu sarreeya, mar labaadna waxa weeyaan Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada. Sidaa daraaddeed, Madaxweynuhu isagaa magacaaba Xilka, Xilalka Digreetada ku soo baxa waxaa ka mid ah; Agaasimayaasha guud, Wasiir Ku-xigeennada, Wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiirrada. Madaxweynuhu hal Digreeto ayuu ku magacaabay hal Afhayeen, Afhayeenkaasina waa Afhayeenkiisa Madaxtooyada oo ah Aniga, Afka Madaxweynaha ciddii ku hadasha ayuun baa Afka Qarankana ku hadli karta.”

Waxaa Madaxweynaha Safarkiisa uu shalay Itoobiya ku tegay ku weheliya oo Xubnaha Weftigiisa ka mid ah; Marwada koowaad Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Guddoomiyaha Xisbi-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xoghayihiisa gaarka ah.

Comments are closed