|

“Ma Maqasheen Al-shabaab Aadaya Waqooyi? Al-Shabaab Koonfurta Gaalkacayo Wax Ku Dila? Kuwa Reer Puntland Waa Doqmo..” C.weli Gaas

Garowe 29.October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ku soo duuleen wax uu ugu yeedhay Daacish, Al-Shabaab, Federaal iyo Maamullo aan Sharci ahayn sida uu hadalka u dhigay, isagoo Federaal ula jeeda dawladda Soomaaliya, halka Maamullada aan sharciga ahayna uu u jeedo Maamulka Galmudug oo ay Gaalkacyo ku dagaallamayeen labadii toddobaad ee ugu dambeeyey.

GaasCabdiweli Gaas waxa uu dadka Puntland u dhashay ee ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ku tilmaamay doqommo aan deegaannadooda mooyee meelaha kale dhibaatooyin ka geysan, isagoo si cadho leh uga hadlayey degmada Carwo oo uu Booqasho ku marayey shalay.

“Ma maqasheen Al-shabaab aadaya Waqooyi? Al-Shabaab Koonfurta Gaalkacayo wax ku dila miyaad maqasheen? Kuwa Reer Puntland waxaad mooddaa kuwa naga dhashay ee Al-Shabaabta ah inay ka Doqonsan yihiin kuwa kale, intaa Puntland uun bay wax ku soo wadaan, meel kale wax lama aadaan.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiweli Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo sii watay hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Puntland Maanta waxay maraysaa in Al-Shabaab, Daacish, Faderaal iyo Maamul-goboleedyo aan Sharci ahayn inta ay isbahaysataan inay Puntland ku soo duulaan. Puntland way tashatay waanay isku kalsoon tahay oo waxay midaysay Ciiddeeda, Calankeeda iyo Ciidankeeda, waanay isku filan tahay, dalkeedana way difaacanaysaa, horumarkeedana way wadanaysaa.”

Comments are closed