Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Marxuun ka Mid ahaa Duqaydii Somaliland oo Hargaysa ku Geeriyooday

Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii, uu ka baxay Marxuum Axmed Ciise Cabdi oo ku geeriyooday 28.12.2013 magaalada hargeysa laguna aasay maanta, marxuumka oo beryahanba xanuun u jiifay kana mid ahaa odayaasha waa weyn ee dalka.

 

siilaanyo-2Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Marxuunka ayaa Sodog u ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdi Waaxid C.qaadir C.raxmaan,Waxaana Marxuunka Maalintii Shalay laga soo Celiyay Dalka Taylan oo Xaalad Caafimaad loo Geeyay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com