|

Madaxweyne Xasan oo bulshada kala tashanaya Higsiga 2060

Muqdisho November 28, 2023 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulamo wadatashi ah la qaatay dhallinyarada, aqoonyahannada, iyo madaxda bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka socda iyo dadaallada lagu doonayo in lagu keeno isbedel wanaagsan, isagoo ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay abuurista fursado shaqo, horumarinta dhaqaalaha, yareynta saboolnimada, la dagaallanka xagjirnimada, hirgelinta dastuurka, iyo xaqiijinta xaqiijinta qorshaha horumarinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay dhalinyarada Soomaaliyeed sida ay ugu heelan yihiin difaaca dalka iyo horumarinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah diiradda u saaray fursadaha dhalinyarada Soomaaliyeed ay uga mid noqon karaan Bulshada Bariga Afrika. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhallinyarada kala hadlay arrimaha qaranka ee uu ku guda jiro, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay dhameystirka dastuurka, baahinta maamulka, la dagaallanka xaalufka deegaanka, maareynta deymaha, dib u habeynta ciidamada.

Dhankooda, ka soo qaybgalayaashii shirka ayaa soo bandhigay aragtidooda ku aaddan arrimaha qaranka ee uu Madaxweynuhu la wadaagay, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay dhammaystirka dastuurka, xoraynta gobollada AS, qaadista cunaqabataynta hubka, cafinta daymaha, iyo dib u dhiska ciidanka.

Comments are closed