|

Xbadjoojintii Qaza oo laba cisho lagu daray

Gaza November 28, 2023 (QJ) -Mareykanka ayaa sheegay in koox dhawaan isku dayay in ay qabsadaan markab xamuul oo Israa’iil laga leeyahay dhamaadkii asbuucii lasoo dhaafay ay u badan tahay in ay ahaayeen burcad badeed Soomaali ah halkii hore looga moodayay in Xuutiyiinta Yemen ay weerrka geysteen.
afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Patrick Ryder ayaa sheegay in Mareykanku uusan meesha ka saarin xiriirka Xuuthiyiinta ee isku dayga afduubka ee dhamaadkii isbuucii hore.
Ciidamada Badda Mareykanka ayaa fashiliyay weerarka markabka Central Park dabayaaqadii todobaadkii hore ka dib markii uu goobta soo gaaray markabka dagaalka ee Mareykanka Mason.
Isku dayga Afduubkan ayaa kusoo beegmaya xilli Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ay weerarro is-daba joog ah ku qaadeen maraakiibta gobolkaasi, wuxuuna Maraykanku sheegay in gantaallada ballistic-ga ah laga soo riday dhulka Xuuthiyiinta ay maamulaan oo ay u jihaysteen maraakiibta Maraykanka wax yar ka dib markii la weeraray. .
Weerarada gantaalada iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee loo soo qaaday Israa’iil ayaa inta badan fashilmay, balse kooxda ayaa badda cas ku qabsatay maraakiib ganacsi oo ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil.
Ka dib kolkii xutuyiintu qabsadeen markab kale horaantii bishaan, Mareykanka wuxuu sheegay inuu ka fiirsanayo in Xuuthiyiinta dib loogu magacaabo urur “argagixiso”.
Pentagon-ka ayaa sheegtay in gantaallada Ballistic-ga ah ee la soo riday dhammaadka todobaadka ay ku dhaceen jihada guud ee maraakiibta Mareykanka, balse waxay ku dhaceen badda meel qiyaastii 19km (10 nautical miles) u jirta maraakiibta, wax dhaawac ahna aysan ka dhalan.
Xukuumadda Yemen ee Cadan ayaa ku eedaysay Xuuthiyiinta weerarka, balse kooxdu ma aysan qiran gantaallada la riday iyo isku dayga markabka lagu qabsaday.

Comments are closed