|

Madaxweyne Xasan oo madaxa Midowga Africa dalab u jeediyay

Rome Jamuary 30, 2024 (QJ)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya shirka Talyaaniga iyo Afrika ee ka socda magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Comoros, Azali Assoumani oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika.
Intii uu socday kulankooda, labada madaxweyne waxay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee dalalkooda iyo kor u qaadista iskaashiga si loo xaqiijiyo horumarka qaaradda Afrika.
madaxweynuhu wuxuu taabatay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, nabadda, iyo horumarka la wadaago dhammaan waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay is-garab taag iyo is-ixtiraam dhexmaro dalalka Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay mowqifka dowladdiisa ee ku aaddan khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya, isagoo caddeeyay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in lagu soo xad-gudbo dhulkeeda, wuxuuna ku boorriyay in arrintaas xal nabadeed lagu dhammeeyo.

Comments are closed