|

Soomaaliya oo dalbatay $1.6 Billion in Aid for 2024

Muqdisho January 30, 2024 (QJ) -Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan muhiim ah oo uu kaga hadlay qorshaha wax ka qabashada baahiyaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya ka jira sanadkan.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, iyo xiriiriyaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya, George Conway.

Waxaa kaloo ka qeyb galay wakiilo ka kala socday wasaaradaha dowlad goboleedyada, hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadantinimada, hay’adaha deeqaha bixiya, iyo saraakiil ka socotay hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobay.

Hayadaha Dowladda iyo hay’adaha samafalka ee aan dowliga ahayn ee ka qaybgalay kulanka ayaa codsaday kaalmo lacageed oo dhan 1.6 bilyan oo doollar si loogu taageero in ka badan 5.2 milyan oo Soomaali ah oo sannadka 2024-ka gargaar u baahan.

Ugu dambeyn, wuxuu carrabka ku dhuftay in sannadkii lasoo dhaafay ay Soomaalida la kulmeen dhibaatooyin xooggan, gaar ahaan saameyntii ay ku yeesheen daadadka El Niño oo sababay barakac baahsan oo saameeyay bulshada oo 80% dadka ay dhibaatadu soo gaartay oo u badan yihiin carruur iyo haween.

Comments are closed