|

Madaxweyne Xasan oo Nairobi shir caalemi ah uga qeybgalay

Nairobi April 29, 2024 (QJ) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeyb galay shir madaxeedka 21-aad ee Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA).

Shir madaxeedkan ayaa muhiimad gaar ah u leh dowladda Soomaaliya oo dhawaan gaartay heer sare oo deymo ah, iyadoo ujeedkeedu yahay in la helo kaalmo maaliyadeed oo caalami ah si wax looga qabto baahiyaha gudaha, hagaajinta maamulka maaliyadda, iyo ka qeyb qaadashada kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) oo ah farac ka tirsan Kooxda Bangiga Adduunka, ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo maalgelinta dalalka Afrika si loo xoojiyo mashaariicda la doonayo in lagu horumariyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu kulamo heerkiisu sareeyo la qaato madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta ururka horumarinta caalamiga ah si kor loogu qaado wadashaqeynta Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda.

Leave a Reply