|

UK oo mashruuc caafimaad ka hirgelineysa Soomaaliya

London April 29, 2024 (QJ) – Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Safaaradda Britain ee Soomaaliya oo lagu daah furayay Mashruuca Nolosha Wanaagsan, kaasi oo socon doona muddo labo sano ah.

Mashruucan ayaa laga fulin doonaa Galmudug, Jubaland, iyo Gobolka Banaadir, iyadoo ujeeddadu tahay in ay ka faa’ideystaan in ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay ku jiraan 400,000 oo hooyooyin Soomaaliyeed ah iyo 300,000 oo carruur Soomaaliyeed ah, kuwaas oo heli doona adeegyo caafimaad oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin tallaallo.

Mashruucan oo ay maalgelinayso hay’adda UKAID ayaa waxaa laga fulin doonaa 11 degmo oo ay ku jiraan qaar ka socda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka sida Galmudug,Jubbaland iyo gobolka Banaadir, waxaana mashruucan lagu bartilmaameedsanayaa goobaha aan horay loo gaari karin sababo la xiriira khataraha xagjirka ah iyo meelaha ay ka maqan yihiin adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka.

Munaasabadda lagu daahfurayey barnaamijkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo adeega bulshada ee dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka, xildhibaano, wakiilo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee caafimaadka.

Wasiirku waxa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay taageerayaasha mashruucan, isagoo sheegay in mashruucani uu wax weyn ka tari doono caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, isla markaana uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta caafimaadka dalka.

Leave a Reply