Uncategorized

Madaxweyne Xasan Sheekh Muxuu Ka Yidhi Kalsooni kala Noqoshada Xukuumadii C.weli?

Muqdisho 06.Dec 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaannada ugu hambalyeeyay go’aankii ay kalsoonida ugala noqdeen ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Xasan SheekhXasan Sheekh ayaa war saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in xildhibaannada baarlammaanku ay guteen waajib dastuuri ah, wuxuuna bogaadiyey xukuumadda la riday oo uu xusay inay dadaal badan ku bixisay horumarinta dalka.

Wuxuu kaloo sheegay madaxweynuhu in hawlihii xukuumadda laga sii ambaqaadi doono halka ay uga tagtay oo dalka la gaarsiin doono hiigsigiisa sannadka 2016-ka, shacabka Soomaaliyeedna laga doonayo inuu muujiyo kalsooni buuxda.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in hay’adaha dawladdu ay awood u leeyihiin inay sii amba qaadaan hawlaha qaran ee hor yaalla, dhowaanna la dhisi doono xukuumad ay ku qanacdo ummadda Soomaaliyeed.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com