Uncategorized

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ammaanay doorka Burundi ee Nabad ka Aslaaxinta Soomaaliya

Muqdisho 08.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorka Burundi ee Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin ‘walaalo dhab ah’ oo naftooda u huray Soomaaliya.

Xasan-Sheekh-iyo-wasiirka-arrimaha-dibadda-Burundi-300x199Madaxweyne Xasan ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu maanta xafiiskiisa kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda ee Burundi, Laurent Kavakure iyo taliyaha ciidanka AMISOM, General Silas Ntigurirwa oo isna u dhashay dalka Burundi.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, kordhinta tirada ciidanka AMISOM iyo sidii loo horumarin lahaa tayada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Wuxuu intaas raaciyay in sanadka 2014 uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, lana xoojin doono dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Burundi iyo ciidanka kale ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayuu sheegay inay kaalin mug leh ka qaadaan doonaan dadaallada xasilinta dalka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com