Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi siiyay Wargeyska The Washington Post, ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan shaqsiyaad aad ugu dhow Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo u ololeeya in Somaliland ay si rasmi ah u aqoonsato.
Madaxweynuhu waxa uu xusay dedaalada ka socda dalka Maraykanka ee la doonayo in lagu aqoonsado Somaliland balse waxa uu carabka ku adkeeyey sida weyn ee ay Soomaaliya uga soo horjeedo talaabadan. Waxa uu ku macneeyay taariikh ahaan in Somaliland ay ahayd maxmiyad Ingiriis ah, halka Soomaaliya inteeda kale ay ku hoos jirtay gumaystihii Talyaaniga, ka hor intii aanay la midoobin 1960kii oo la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wuxuu carabka ku dhuftay doorka muhiimka ah ee taageerada ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin tababarida ciidamada Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay in wada shaqeyn joogta ah ay lama huraan u tahay nabadda gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay hiigsaneyso sidii loo heli lahaa ciidamo Qaran oo tayo leh, haddana weli loo baahan yahay kaalmo caalami ah oo dhanka amniga ah. Wuxuu ku celceliyay in dagaalka Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab uu faa’iido u leeyahay ammaanka caalamka, iyadoo laga hortagayo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, inay saameynteeda ku fidiso Yurub iyo Mareykanka.
