Muqdisho (QJ) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaalilaan ayaa wada kulamo uu la yeelanayo siyaasiyiin mucaarad ah, masuuliyiin hore, iyo guddiga doorashada, si ay xog uga uruuriyaan xaaladda siyaasadda, isla markaana ay u qiimeeyaan suurta galnimada in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo cod ah.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu la kulmay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay inay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo aan degganayn, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray arrimaha la isku hayo ee ku saabsan doorashada hal qof iyo cod ah oo ay dowladdu ku adkaysanayso in la qabto. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la qabto doorasho loo dhan yahay, xor iyo xalaal ah.
Maalin ka hor James Swan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ah hogaamiye mucaarad ah iyo guddoomiyaha guddiga doorashada C/kariin oo lagu muransan yahay. Waxay ka wadahadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qabanqaabada doorashada oo muwaadiniinta u oggolaanaysa inay doortaan hoggaamiyeyaal danahooda ka shaqeeya.
Kulamadan beesha caalamka ayaa imaanaya iyadoo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka harsan tahay wax ka yar sanad iyo bar. Taariikh ahaan, xilliyada xasaasiga ah ee siyaasadda Soomaaliya, beesha caalamku waxay billaabaan shirar xog-ururin ah, marka ay xiisadaha siyaasadeed ee sii xumaanayaana waxay soo saaraan go’aanno dhaxal-gal ah oo dalka lagu jiheeyo.
