|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga & kan Dhulka

Muqdisho June 18, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Taliye cusub Ciidanka Xoogga Dalka General Guuleed Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Axmed Aadan Cali, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dastuurka Soomaaliya iyo Xeer Lr.15 oo la soo saaray 1960kii ee ku saabsanaa dhismaha Ciidanka Qaranka.

Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsaday in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacabka iyo ciidamada ay mas’uuliyad muhiim ah ka saaran tahay xaqiijinta xasiloonida dalka.

Wuxuu muujiyay sida ay uga go’an tahay ciribtirka khatarta Al-Shabaab, iyadoo la kaashanayo ciidamada xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u caleema saaray Taliyaha cusub General Guuleed Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, waxaana uu kula dar daarmay inuu si deg deg ah wax uga qabto dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo soo celinta amniga dalka.

Magacaabistan waxaa maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 19-ka June 2023, magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Comments are closed