|

Garoowe oo xiisad colaadeed foolaneysa

Garoowe June 19,2023 (QJ)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay ismaandhaaf siyaasadeed oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka maamulkaasi.

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamada ilaalada madaxtooyada waxay bilaabeen hawlgalo lagu sugayo amniga goobaha muhiimka ah ee magaalada, sida xarumaha dawladda, wasaaradaha, bangiga dhexe iyo xarunta baarlamaanka Puntland ee Garoowe.

Intaasi ka dib, Ciidamada Puntland ayaa gudaha u galay magaalada Garoowe, iyagoo la wareegay goobo istiraatiiji ah oo kala duwan.

Xiisada ka taagan magaalada Garoowe ayaa la xiriirta Kalfadhiga 52-aad ee Baarlamaanka Puntland, iyadoo la filayo in wax ka bedel lagu sameeyo xubnaha Baarlamaanka iyo wax ka bedelka Dastuurka Puntland, ka hor inta aan heshiis siyaasadeed laga gaarin arrinta doorashooyinka qof iyo cod.

Comments are closed