|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sacuudiga gaaray

Jeddah April 02, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo diiradda lagu saari doono ammaanka, ganacsiga, iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka uu soo idlaado kulanka madaxda Sacuudiga waxa uu u gudbi doonaa Cumrada, maadaama lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qoto dheer oo taariikhi ah, taasoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku xusuustaan in Boqortooyada Sacuudiga ay si weyn ugu mahadcelinayaan taageerada ay Boqortooyada Sacuudiga u fidisay xilliyo xasaasi ah oo taariikhda galay.

Comments are closed