|

Puntland oo kulan hadalhaeyn ka dhashay la yeelatay Itoobiya

Adis Ababa April 03, 2024 (QJ) -Shir looga hadlayay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Puntland iyo dowladda Itoobiya.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay wada yeesheen wadahadal miro dhal ah oo la xiriira iskaashiga dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Wafdiga Itoobiya ee ka qeyb galay shirka ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Dawlaha Arrimaha Dibadda Mesganu Arga, iyadoo dhanka Puntland uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Faarax Maxamed oo ay wehliyaan xubno ka tirsan guddiga horumarinta ganacsiga.
War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay labada dhinacba siiyeen kor u qaadista iskaashiga dhinacyada ganacsiga, amniga, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha.
Kulankaan ayaa ku soo aadaya xili xiriirka dowladdaha dhexe ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid aan wanaagsaneyn kadib markii dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ku eedeysay in ay faragelin dhuleed iyo mid siyaasadeed oo joogto ah ay ku heyso Soomaaliya.

Leave a Reply