|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Jawaabay Farmaajo iyo Shariif

Muqdisho March 22, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada kaga hadlay xiisadihii u dambeeyay ee ka dhashay wax ka bedelka Dastuurka.

Madaxweynaha oo weli ku adkeysanaya qorshihiisa dastuur bedelka ayaa ugu horeyn qiray dib u dhaca ku yimid howlaha dastuuriga ah, isagoo u sababeeyay jahwareer siyaasadeed oo sanado badan soo jiitamayay iyo is afgarad la’aan.

Wuxuu ka jawaabay dhaliilo horay uga yimid madaxda mucaaradka oo ku saabsan wax kabadalka dastuurka, isagoo ku dooday inay mas’uuliyad ka saaran tahay ka qaybgalka hannaanka dastuuriga ah ee saaran xubnaha baarlamaanka federaalka ah.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka ay ka dhalatay dalab ka yimi maamul goboleedyada qaarkood.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dheeraaday marxaladihii uu soo maray dastuurka KMG iyo sida dowladihii kala dambeeyay ay waxba uga qaban waayeen, isagoo ku tilmaamay mashruuc ay ku baxday malaayiin dollar.

Comments are closed