|

Madaxweynihii Hore ee Dalka Chad Huseen Habre oo Lagu Xukumay Xabsi Daa’in

Chad 30.May 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynihii hore ee dalka Chad Huseen Habre ayaa lagu Xukumay Xabsi daa’in kadib markii lagu helay Denbiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha.

Hissene HabreMaxkamadaynta Madaxweynihii hore ee dalka Senegal ayaa la soo taagay maxkamad gaar ah oo Midowga Afrika uu taageero.

Dambiyada lagu helay waxaa ka mid ah tacadiyo ka dhan ah aadanaha, jidh-dil iyo dambiyo dagaal.

Dacwad oogaha maxkamadda ayaa dalbaday in Huseen Habre xabsi daa’in lagu xukumo, taas oo uu ku mutaysanayo dambiyo la sheegay in ay gaysteen ciidamo boolis ah oo gaar ah, muddadii uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanaddihii 1982 iyo 1990, Hasa yeeshee Mr Habre ayaa eedaymahaas ku gacan saydhay.

Habre ayaa laga qabtay Dalka Senegal Sannadkii 2013 halkaas oo uu dibad joog ku ahaa, kaddib markii xilka laga tuuray 1990.

25 sano ayay dadka dhibanayaasha ah u ololaynayeen in Mr Habre cadaaladda la horkeeno.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Afrikaan ah lagu maxkamadeeyo dal Afrikaan ah, isagoo loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin jidh-dil, kuwa dagaal iyo kuwa ka dhan ah bini’aadannimada.

Comments are closed