|

Muqdisho: Mucjisada Haweenay Muddo Shan Sanno Xaamilo Ahayd Oo Xiligii Ay Uurka Lahayd Saddex Carruur Ah Dhashay

Muqdisho 31.May 2016 (SDN/QJ):-Hooyo Soomaaliyeed oo muddo shan sanno ah Xaamilo lahayd, intii ay uurka lahaydna dhashay saddex carruur ah, ayaa lagu guulaysatay qalin ah in laga soo saaro caloosheeda ilmo lafo noqday oo caloosheeda ku jiray muddadaas shan sanno.

Hooyadan Soomaaliyeed oo magaceeda la yidhaahdo Bushaaro Xuseen Cismaan, ayaa qalliin loogu sameeyay cusbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dhakhtar Khaalif Saleebaan oo ah dhakhtarka ku guulaysatay qalinka ayaa ka warbixiyey siduu ugu guulaysatay qalliinka adag. “Waxaan arkay qof u fiirsada mooyaane cidkale aanay arki karin, in meeshii uu jiro ilmo sideed bilood ah. Iyadanna markaan taariikhdeeda dib u raacay waxay ii sheegtay in marka uu ilmo sideed bilood marayo uu dhiig oo kale ka yimaado sida dhiciska oo kale ah, kadib wax dhakhtar ah sidaa umay sii tagin oo ilmihii kale ayaa caloosha galay, way la yaabatay markay kaa dhasay, waliba meeshii waxbaa ku sii hadhsan oo waxay ii sheegtay inay dhaw cusbitaal oo kala duwan inay tagtay, laakiin aan war sax ah loo sheegin. Marka waxaan ku idhi ilmo lafa-lafoobay ayaa ku jira calooshaadda.”

Sidoo kale, Hooyo Bushaaro Xuseen ayaa ka hadlaysa xaaladdeeda caafimaad iyo siday ku dhashay saddexan caruur ah “2001 ilaa 2010 dhakhtar baan la wareegay oo waxaan moodayay inuu baa’bay markii aan 2012-kii dhalay wiil, haddanna wiil kale ayuu ilaahay I siiyay.”

Comments are closed