|

Magaalada Caynaba Kiisaska Kufsiga oo Kor u Kacay Iyo Eedayn loo Jeediyay Laamaha amaanka

Caynaba 26.July 2014 (SDN/QJ)- Magaalada Caynabo oo Xarun u ah Gobolka Saraar ayaa lagu Soo Waramayaa inuu ku soo Badanayo Kufsiga Haweenka loo gaysto.

Sida ay Sheegayaan dadka rayidka ahi ee Magaaladaasi ku Nooli kor u kacan ayaa loo aanaynayaa sida ay sheegeen kadib markii laamaha amaanka iyo Garsoorku aanay sidii la rabay uga hawlgalin isla markaana kuwa falalkan gaystaa aan la marsiin Ciqaab sharci,Warku waxa uu Intaas ku darayaa in Sideedii Bilood ee Sannadkan aynu ku Guda Jirno ay 12 Kiis oo Kufsi ahi ka dhaceen Magaalada Caynabo.

Jaamac Axmed oo Khadka Telefoonka kula soo Xidhiidhay Shabakada Qurbejoog ayaa Tilmaamay in 19 kii bishan July uu nin Kufsaday Walaashi kaas oo markii danbe gacanta booliska soo galay hasa yeeshee Waxa uu sheegay in nasiib darada u weyn ee Kiiskoodan ku timi ay la xidhiidhay kadib markii ninkii falkan gaystay oo Rumaan ugu jiray Xabsiga,la sii daayay.

Jaamac waxa uu Xusay inay dacwad u gudbiyeen Ciidanka booliska ee Magaalada Caynabo waxaanu intaas ku daray inaanay ilaa iminka la soo qaban eedaysanahan oo si caadi ah isaga dhex jooga Magaaladaas.

Muwaadinkan ayaa eedayn u soo jeediyay Maamulka Heer Gobol, Mid Degmo,Iyo Ciidamada amaanka oo uu sheegay in halkii ay wax ka qaban lahaayeen arrimahan ay iyagu yihiin kuwa dhiirigeliya.

Jaamac Axmed waxa uu ka Codsaday Xukuumada Dhexe inay soo Faro geliso Kiiskooda maadaama uu Keeni karo ayuu Yidhi amni daro.

Dhanka kale Mar aanu isku daynay in Mas’uuliyiinta Gobolka aanu dhinacooda wax ka weydiino Kiiskan ayaanay noo Suuro gelin kadib markii ay Qaban waayeen Telefoonadooda gacanta.

Kiisaska Kufsiga ayaa dadka gala waxa ay la Kulmaan Ciqaab Xadhiga ah oo dheer inkasta oo marar badan Hay’adaha Garsoorka ay soo dhex galaan Oday Dhaqameedyo ka dalbada inay dibada ku soo dhamaystaan labada dhinac ee Qadiyada Kufsigu u dhaxayso taas oo lagu aaso Xuquuqda dhibanaha falkani ku dhacay.

Caynaba SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

Comments are closed