|

Magacyada Ergada Maamulka Khaatumo Uga Qayb-Gelaya Wada-Hadallada Somaliland Iyo Cali Khaliif Oo Ka Maqan

Buuhoodle 28. November 2016 (SDN/QJ):- Maamulka khaatumo ayaa Shaaciyey Xubnaha Haatan uga Qayb Galaya Wajiga Labaad ee Wadahalka uu maamulkaasi la yeelanayo Somaliland, Waxana Magaalada Buuhoodle Ka soconaya Kulamadii ugu Danyeeye ee Madaxwayne Galaydh xubnaha maamulkiisa.

cali-khaliif-galaydhXubnaha uu magacaabay Cali Khaliif ayey tiradoodu dhantahay ilaa 8-eed xubnood, waxana la sheegayaa inuu hoggaamin doono Aqoonyahan Cali Ciise Cabdi oo muddooyinkii ugu dambeeyey saldhigtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

 

Madaxweynaha maamulkaas, ayaan isagu ku jirin ergada wada-hadallada loo magacaabay, waxana ay taasi keeni kartaa shaki ah inay adkaan karto natiijo wada-hadalladaas kasoo baxdaa.

 

Magacyada xubnaha la magacaabay oo intooda badani ku sugan tahay gudaha deegaannada uu maamulkaasi sheegto, ayaa waxa ay yihiin sidan soo socota”

 

 Xubnaha Gudaha Jooga ee ku jira Liiska Wada hadalada

1.Maxamuud Shiikh Cumar Xassan

2.Maxamuud Ismaciil  Shabac

3.Axmed Xaaji Cali

4.Baayar Mahdi

Xubnaha Dibada Joog

1.Cali Ciise Cabdi

2.Cabdikariin Xassan Jaamac

3.Cabdirashiid Maxamed Faarax

4.Abshir Cawil Cabdi dhiif

Comments are closed