|

Somaliland Oo Itoobiya Ku Wareejisay 8 Askarta Liyuu Booliiska Kililka Shannaad Ah Oo Lagu Qabtay Gudaha Somaliland

Hargaysa 28. November 2016 (SDN/QJ):- Taliska Booliiska Somaliland, ayaa Dawladda Itoobiya ku wareejiyey 8 Askari oo Ciidammada Liyuu Booliiska Kililka Shannaad ah iyo Gaadhi ay wateen oo Ciidanka Booliisku Gacanta ku dhigay Jimcihii, ka dib markii ay si khalad ah u soo galeen Gudaha Somaliland.

liyuu-boolisTaliye ku-xigeenka Booliiska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), ayaa sheegay in 7 Askari oo Liyuu Booliis ah, Kaftankii watay iyo Gaadhigoodiiba ay Ciidanka Booliiska ee degmada Faro-weyne Gacanta ku dhigeen Jimcihii, markii ay ku soo Xad-gudbeen Xuduudka Somaliland, isla-markaana ay ku xidheen Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista ee Hargeysa, laakiin markii dambe lagu soo daayey waan-waan ay ka gashay safaaradda Itoobiya ee Hargeysa.

Taliye ku-xigeenka oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Liyuu Booliisku waxay Xadka Somaliland soo galeen Shalay (Jimcihii) oo Bishu 25 ahayd, iyagoo ku soo xad-gubday Xuduudka Jamhuuriyadda Somaliland, ka dibna waxa noo soo sheegay Taliska Booliiska ee Degmada Faro-weyne, ka dib Hawl baa Ciidanku ka galay, waxayna Ciidanku Gacanta ku dhigeen 7 Askari, Kaftankii watay iyo Gaadhigii. Waxaanu keenay halkan (Hargeysa), waxaanu ku xidhnay Xarunta C.I.D-da.”

Taliye Fooxle, waxa kale oo uu sheegay in siideynta Askartan ay ka wada-hadleen Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa ku taalla, “Markii aanu xidhnay waxa noo timid Safaaraddooda (Itoobiya), Annaguna waxaanu la socodsiinay Taliskayaga, dabadeedna waanu wada-hadalnay Safaaraddooda, waxaanuna isla aragnay Annaga iyo Safaaradduba inay Khalad ku soo galeen Xadka Jamhuuriyadda Somaliland, wayna qireen inay khalad ahayd, Waayo? ballamo badana way nooga yaalaan, waxaanuna nidhi wixii idinka soo baxsada ee aad eryeynaysaan Annaga ayaad noo sheegaysaan oo idiin qabanayna, wixii Annaga naga soo baxsadana Idinka ayaa noo qaban doona, laakiin inaanu imanin Muran iyo inaad Xadkayaga u soo gudutaan, qabashadanna ay Tusaale ahaato.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in xilligii uu socday hawl-galka lagu qabanayey Askartan laga digtoonaa in Dagaal dhaco, “Ciidanku waxay ka dadaaleen dhib badan oo iman lahayd, Dagaalna ma dhicin, Cidna ma dhiman. Markii dambe waxaan u dhiibay Hoggaanka Birmadka oo aan idhi Wajaale gaadhsii oo ku wareeji Dawladda Itoobiya.”

Comments are closed