|

Mahdi Guuleed oo la kulmay Amiirka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani

Doxa (QJ) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo safar shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Qatar Mudane Sheekh Khalid Bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

“Waxaan kulan miro dhal ah la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka aan walaalaha nahay ee Qadar Mudane Sheekh Khalid bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani, Waxaan ka wada hadalnay sidii loo dardar galin lahaa iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga eel u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.” ayuu yiri Mahdi Guled oo kulanka ka waramay.

Kiyoo hadalkiisa sii watana waxa uu raaciyay “Kulanka Waxaa igu weheliyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Axmed Cusmaan Diiriye, Caydaruus Saalax Yuusuf iyo Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib iyo Danjireheenna inoo fadhiya dalka Qadar Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.”

Mahdi Guuleed oo Magaalada Dooxa kaga qayb galaya Meertada 20-aad ee Madasha Doha Forum.

“Mahdi Guuleed oo Magaalada Dooxa kaga qayb galaya Meertada 20-aad ee Madasha Doha Forum, ayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani si diirran u soo dhaweeyey.” ayuu yiri mudane Mahdi Guuleed.

May be an image of 6 people, people standing, people sitting and indoor

May be an image of 2 people, people standing and indoor

Comments are closed