|

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo suxufi Axmed Qani isu raacisay xarig iyo ganaax

Hargeysa (QJ) – Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta hal sano oo xadhig ah iyo hal Milyan oo shillin-ka Somaliland oo ganaax ku xukuuntay Wariye Axmed Qani Xirsi, oo muddo bil ka badan Hargeysa ku xidhnaa.

Maxkamada ayaan ka hadal jirdil weriyaha xabsiga loogu geystay mudadii uu xirnaa.

Waxa lagu eedeeyay in uu faafiyay warar la sheegay in ay been abuur ahayeen iyo kuwo Qaran dumisnimo ah.
Maxakamadu ma sheegin warkaa wariyuhu faafiyay iyo sida ay qaran dumisnimo ugu sifoobeen.
Garyaqaanka u doodayay wariyaha saxaafada u sheegay in Ciidamada Sirdoonka oo markii hore xidhay Wariyaha ay u gaysteen Tacaddiyo Jidheed.
Xeerka wariyaha la marsiiyay ayaan aheyn mid saxaafada lagu maamulo oo ah ka ciqaabta guud.
Dastuurka Somaliland ayaa ka faalo qaadaya xuquuqda saxaafada iyo ka xoriyatul qawlka, oo labadaba si joogto ah xukuumadu ugu tumato.

Comments are closed