|

Maraykanka Oo Ka Digay Weerarro Argagixiso Oo Al-shabaab Maagan Tahay, Muwaadiniintiisa Oo Uu Uga Digay Inay U Safraan Soomaaliya Iyo Somaliland

Washington 26.May 2016 (SDN/QJ):- Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa uga digtay Muwaadiniinta Mareykanka ah inay booqdaan Waddanka Soomaaliya  oo Somaliland ku jirto,sababo ay ku xustay hanjabaado dhanka ammaanka ah oo ka imanaya kooxda Al-shabaab ee xidhidhka la leh Al-Qaacida. Sidoo kalena waxay muwaadiniinta Mareykanka ah ku wargelisay in ay ogaadaan khatarta afduubyada dhamaan gudaha Somalia oo ay Somaliland iyo Puntland ku jiraan.

USABayaankan, ayaa lagu xusay in Mareykanka aanu ku lahayn Somalia Safaarad si Rasmi ah uga hawl-gasha, iyadoo Digniintaan cusub ay bedelayso digniin Dawladda Mareykanka ay hore u soo saartay bishii 01-dii Oktoobar, 2015-kii.

Sidoo kale, War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Somalia aanay weli ka jirin Xaalad amni oo la isku halleyn karo, Kooxaha Argagaxisada ah ee Soomaaliya ka hawl-galana ay weerarro joogto ah la beegsadaan Xukuumadda Soomaaliya, AMISOM iyo dhinacyada kale aan ciidamada ahayn.

“Afduubyo, Qaraxyo, Toogashooyin, Jid-gooyooyin sharci-darro ah, Budhcadnimo iyo sidoo kale rabshado kale, ayaa ka jira guud ahaan Dalka Somalia, oo ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland,” ayaa War-saxaafadeedka Mareykanka lagu sheegay.

Dhanka kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Al-shabaab ay soo bandhigtay awood ay Weerarro kaga fulin karto Deegaannada ay Dowladda Somalia maamusho; iyadoo sidoo kalena kordhisay bartilmaameedsiga meelaha ay ku sugan yihiin Dublamaasiyiin Ajaanibta ah ee Taageera Xukuumadda Somalia, Wufuuda Caalamiga ah, Qurbo-joogta iyo Ajaanibta booqda Soomaaliya.

Qoraalkaan, ayaa lagu sheegay, in sidoo kale ay Al-shabaab weli Weerarro Madaafiic ah la beegsato Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo Waaxda Duulista Hawada, iyadoo u adeegsata Weearradeedan Hoobiyeyaal iyo gantaallada garbaha laga rido. Iyadoo la adkeeyay Ammaanka Guud ee Garoonka Muqdisho, Waxaana la joojiyay Laabtoobyada in lagu dhex-qaato Garoonka.

Ugu dambeyn, Muwaadiniinta Mareykanka, ayaa looga digay inay u dhawaadaan xeebaha Soomaaliya. Sidoo kalena ay ka fogaadaan maraakiibta xamuulka, doonyaha kalluumeysiga, goobaha Madadaalada iyo Meelaha kale ee Khatarta ah, iyadoo inta aan aan xilligan Soomaaliya joogina looga digay inay u safraan.

Warkan, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ka soo baxay Arbacadii Shalay.

Comments are closed