|

Maraykanka oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay u Socdaalaan Dalka Itoobiya oo Mudooyinkanba Xaaladiisu Baaxaadagayso

Washington 24.October 2016 (SDN/QJ):-Dawladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Itoobiya oo qalalaaso iyo kacdoono lagaga soo horjeedo dawladda ay ka socdaan.

maraykan-300x168War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka aanay u safrin Itoobiya iyo magaalooyinka ay rabshadaha ka socdaan.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay dadka Mareykanka ee ku sugan Itoobiya inay ka taxadaraan oo ay yareeyaan dhaq dhaqaaqyadooda, isla markaana aanay ka ag dhowaan goobaha dibad baxyada ka dhacaya.

Haweeney Mareykan ah ayaa  lagu dilay Gobolka Oromada, kaddib markii gaadhi ay saarneyd dhagxaan ay tuurayeen dad dibad baxayay ku dhacay.

Dawladaha reer galbeedka ayaa digniino ka soo saaray safaro lagu tago Gobolada Amxaarada iyo Oromada, sidoo kale waxaa ay yareeynayaan dhaq dhaqaaqyada diblomaasiyadeed.

Dawladda Itoobiya ayaa xukun deg deg ah oo soconaya lix bilood ku soo rogtay dalka oo dhan, si ay xal ugu hesho rabshadaha wali ka socda Gobolka ay degaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo dhigaya dibad baxyo ka dhan ah dowladda.

Hey’addaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay geysatay, waxaana tan iyo markii dibad baxyadu bilowdeen la sheegay inay dhinteen dad boqolaal qof gaadhaya.

Comments are closed