|

“Cirro-Oy, Annagu Xorbaanu Nahay, Caaddo Qaateyaalna Manihin Ee Bal Aan Aragno Halka Ay Kula Gaadho Beenta Aad Aaminsan Tahay” Eng Daa’ud Warsame Ijaara

Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):- Eng. Daa’uud Abiib Axmed Ijaara, oo ka tirsaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa gebi ahaanba iska casilay xilkii uu ka hayay iyo ka tirsanaanshihii xisbiga Waddani.

eng-daauudXildhibaan hore Eng. Daa’uud oo ka mid ahaa xubnaha ugu codka iyo miisaanka badnaa gobolka Gabiley ayaa iscasilaadiisan ku sabbabeeyay musuq maasuq iyo caddaalad darro uu sheegay in xisbiga Waddani kula kacay codkii uu ku lahaa xisbiga ee deegaanka uu kasoo jeedo, isla markaana waa sida uu sheegaye, caddaalad-darradii sida badheedhka ah ay kaadirka uu hoggaamiyo guddoomiye Cirro maalinta cad kula kaceen guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo si aan geedna loogu soo gaban codkiisii loo weecsaday, taas oo guddoomiye Cirro masuul ka ahaa, wixii dulmi ka dhacay shirkii golaha dhexe ee lagu dooranayay musharraxa iyo ku-xigeenka xisbiga shalay. Sidoo kalena Eng. Daa;uud waxaa sheegay in xisbigaasi uu ka tirsanaan jiray ee Waddani uu codkiisii ka Daa’uud ahaan meel kale mariyay. “Waxaan u sheegaynaa ummadda reer Somaliland, in caddaaladdii xisbigu meesha  ka baxday.”

Sidaasi ayuu yidhi Eng. Daa’uud Abiib Axmad Ijaara, oo saxaafadda ugu waramayay magaaladda Hargeysa. Waxaanu hadalkiisa intaasi sii raaciyay “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaan ‘Hal xaaraan ahi nirig xalaala madhasho’ waayo qiimaynta uu xisbiga waddani maanta kula kacay dalkan iyo dadkiisa, caddaaladdiisa waa khiyaamo qaran. Cabdiraxmaan Cirro runtii waa la ogaa wixii uu ku sameeyay xisbiga UCID, inuu hore usoo baabiiyay golihiisii deegaanka, waxaan leeyahay haddaad hayso dad aad damiirka kadishay, annagu xorbaanu nahay, caaddo qaateyaalna  manihin ee aan aragno halka ay kula gaadho beenta aad  aaminsan tahay. Kumaad guulaysan innaad noqoto hoggaamiye uqalma dalka somaliland.” Ayuu yidhi Eng. Daa’uud Abiib Axmed

Comments are closed