|

Mareykanka oo duqeeyay xeryo militry oo Syria ku yaal

Washington October 27, 2023 (QJ) -Diyaaradaha militariga Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday goobo ay Iran ku kaydsan yihiin oo ku yaala dalkaasi.

Weerarka ayaa shalay ka dhacay meel ku dhow magaalada Abu Kamaal, oo ku dhow xadka Ciraaq iyo Suuriya, waxaana fuliyay diyaaradaha dagaalka ee F-16.
Weerarkan ayaa jawaab u ahaa weerar lagu qaaday xarumaha ciidamada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya, waxaana lagu dhaawacay 21 askari oo Mareykan ah, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Mareykanka.
Askarta ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in qof rayid ah uu ku dhintay qandaraasle. Milatariga Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa Ciraaq lagu bartilmaameedsaday ugu yaraan 12 jeer, Suuriyana afar jeer tan iyo markii uu billowday khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Saraakiisha Mareykanka ayaa ku andacoonaya in weeraradan ay ka imaanayaan kooxo maleeshiyo ah oo ay taageerto Iran oo ka howlgala gobolka, kuwaas oo taageera Xamaas iyo Xisbullah sidoo kalena hela kaalmo dhaqaale.
Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga ku dhawaad 900 oo askari halka Ciraaq ay ka joogaan 2,500 askari, inkastoo uu ku dhawaaqay in 900 oo askari uu kala baxayo gobolka Khamiistii.

Comments are closed