|

Madaxweyne Xasan oo ka khudbadeeyay shirkii UE Forum

Brussels October 27, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka Midowga Yurub ee Gateway Forum oo lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in gargaarka bini’aadantinimo ee Midowga Yurub loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalka.
Wuxuu yiri “Laga soo bilaabo bishii Luulyo 2022, ciidamada nabad sugidda Soomaaliya waxay ku guuleysteen in in ka badan 80 degmo ay ka xoreeyaan Al Shabaab, magaalooyin ay ka mid tahay Xarardheere” ayuu yiri Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Dhawaan waxaan dib u bilownay waxbarasho tayo leh kadib muddo toban sano ah oo ay hakad ku jirtay. , muddadaas oo aan maalgelinnay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtu hadda waxay haystaan fursado cusub oo mustaqbal ifaya oo barwaaqo badan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Brussels waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato ka qeyb galayaasha muhiimka ah ee ka socda Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.

Comments are closed