Mareykanka oo Qalab Milateri ku Wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Muqdisho (QJ)- Dowladda Mareykanka ayaa shixnad qalab ciidan oo ay ku jiraan kumbiyuutarro ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Sahaydan ayaa ah mid loogu tala galay in lagu taageero howlgallada ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qalabkan guddoomineysa ayaa u mahadcelisay Taliye Richard Riley iyo dowladda Mareykanka oo mar walba garab taagan ciidanka XDS.

“Wasaaraddu waxay si gaar ah u soo dhawaynaysaa qalabka farsamada ee maanta la soo gaadhsiiyey Ciidanka Kumaandooska ee Danab, kaas oo si weyn u kordhin doona awooddooda shaqo ee ka hortagga argagixisada, isla markaana xoojin doona waxtarka guud ee Ciidanka Qaranka ee wax ka qabashada caqabadaha amniga,” ayay wasaaraddu ku sheegtay war-saxaafadeed rasmi ah.

“Iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya labadeena dal ayaa door muhiim ah ka ciyaara kor u qaadista tayada ciidamadeena, hagaajinta isla xisaabtanka, iyo xaqiijinta xasiloonida amniga ee mustaqbalka fog.”