Shiinaha oo canshuur dhaaf u sameynaya Ganacsatada Soomaaliya

Muqdisho – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta ku soo dhaweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya, H.E. Wang Yu, iyo wafdigii la socday ee ku sugnaa xarunta wasaaradda. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdi Diirshe ayaa ka qeyb galay kulanka.

Intii ay socdeen wada-hadallada labada dhinac waxay xoogga saareen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Waxay iftiimiyeen muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga dhaqaalaha, gaar ahaan kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa hoosta ka xarriiqay iskaashiga xooggan ee ganacsi ee ka dhexeeya labada waddan ee dhinaca kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah. Waxa uu ku celiyay sida ay uga go’an tahay wasaaradda horumarinta fursadaha suuq-geyneed ee wax soo saarka badda Soomaaliya.

Danjire Wang Yu ayaa muujiyay sida ay Shiinaha diyaarka ugu yihiin in ay suuqyadooda ballaaran u furaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku howlan kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah. Waxa uu xusay in badeecadahaas loo dhoofin karo Shiinaha canshuur la’aan, taas oo fududeyneysa isdhaafsiga ganacsiga.

Kulanka ayaa dib loo xaqiijiyay sida ay labada dal uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha ee muhiimka ah si looga wada faa’iidaysto.