|

Mareynaka oo sheegay in safaraka Madaxweyne Biixi aanu aheyn rasmi, Somalilandna ka mid tahay Soomaaliya

Washington (QJ) – Waaxda arrimaha dibdda u qaabilsan mareykanka ayaa shaaca ka qaaday aragtidooda ku wejahan Somaliland iyo safarka madaxweynaha Somaliland ku joogo Mareykanka.

Hadalkan ka soo yeeray Mareykanka oo lagu baahiyay barta Twitter ayaa lagu sheegay in aragtidooda ku wejahan madax banaanida Somaliland.

Sidoo kale waaxdu waxa ay sheegtay in madaxweyne Biixi uu la kulmi doono kaaliyaha

“Waxaan soo dhoweynay fursadda aan kula kulmay maanta Muuse Biixi Cabdi oo aan uga wada-hadalnay xoojinta la macaamilka Mareykanka ee Somaliland ayada oo la raacayo siyaasaddeena midda ah ee Soomaaliya,” Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidaa dhigtay barteeda Twitter.

Geesta kalena Safiirka Mareykanka Somalia Larry André ayaa isna sheegay in Somaliland tahay gobol ka mid ah Somalia.

“Waan xushmeynaa guulaha gobolka Somaliland, marka ay noqoto maamulka dimoqraadiyadda, horumarka dhaqaalaha iyo ammaanka. Waxaan mas’uuliyiinta Somaliland kala shaqeynaa hadafyada aan wadaagno, si la mid ah sidaan ugala shaqeyno maamullada kale ee federaalka,” ayuu safiirku u sheegay Garoowe online.

Safiirku waxa kale oo uu sheegay in aaney Mareykanku casuumin madaxweyne Biixi balse uu iskii u tegay Mareykanka.

Safarka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hore xukuumada Somaliland u sheegtay in uu yahay mid ay dawlada Mareykanku ku casuuntay dalkeeda.

Hadalda isbarkan ee mareykanka ayaa muujinaya madmadowga siyaasadeed ee Safarka Madaxweyne Biixi ku joogo Mareykanka.

Comments are closed