|

Waddani: Yaan lagu mudaharaadin Madaxweynaha

Hargeysa (QJ) – Xisiga Mucaaridaka Somaliland ugu weyn ee Waddani ayaa ugu baaqay taageerayashiisa dibada gaar ahaan dalka Mareykanka in ay ukala soocnaadaan arinta qaranimada iyo arinta siyaasadeed ee gudaha laysku hayo.

Madaxda Waddani waxaanay sheegeen inaanay jirin cid ku matasha xisbi ahaan banaan bax ka dhan ah waftiga Somaliland ee madaxweynuhu hogaaminayo.

Gudoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay fariin uu arintan uga hadlayo.

“Salaan qiimo badan ka dib, Xisbiga Waddani wuxuu mar kasta u taagan yahay qarannimada iyo xaqiijinta himilada bulshada Somaliland. Waxaannu aamminsannahay sarraynta sharciga, ilaalinta mabaadi’da guud iyo dhawrista qiyamka oo shareecadu saldhig u tahay. Cid kasta oo intaa ka hor timaaddaa kuma metesho Xisbiga Waddani.” ayuu yiri Xirsi.

Waxaany intaa raaciyay “Taageerayaasha xisbiga waxaan u sheegayaa in weftiyada Somaliland heer kasta oo ay yihiin la soo dhaweeyo, mana jirto cid wakhtigan nagu meteli karta in safarka Madaxweynaha la carqaladeeyo, marka loo baahdo mudaharaad waxaynu ku qaban doonnaa gudaha dalka sharciga ayaana inoo oggolaaday. Ilaalinta Qarannimada ayaa inoo ballana, waanad mahadsan tihiin.”

Sidoo kalena xoghayaha guud ee xisbigaasi Khadar Xuseen Cabdi ayaa isna oo qoraal kaa la mid ah soo saaray.

“Mar kastaba kala aragti duwanaanshiyaha aragtiyaha iyo loollanka siyaasaddu, waa inta ka hoosaysa danta guud ee qaranka.
Madaxweynaha iyo waftigiisa waxa aan u rajaynayaa guul iyo shaqo ay danta Somaliland ku jirto. Muwaadiniinta jooga meelaha uu booqanayana waxa aan ka filayaa in ay u kala caddahay aragtiyaha siyaasadeed ee maamulka hadba talada haya lagu khilaafsan yahay iyo yoolka guud ee qaranku.” ayuu yiri Xoghayaha Waddani.

 

Comments are closed