Gaalkacyo Jan 26,2012(qurbejoog.com)-Ciidamada Mareykanka ee shalay soo furtay labo ruux oo samfalayaal ahaa oo ilaa Octobertii hore lagu heystay badhtamaha Soomaaliya ayaa gacan weyn ka helay beesha meliishaadkii afduubka ku heystay ajaanibka.
Ciidamada Mareykanka ayaa duyuuradahoodu caga dhigteen gegida duyuuradaha ee Gaalkacyo iyaga oo ogolaasho arintaa uga heystay beesha Konfurta Gaalkacyo.
Ciidamo beeleedyada Beesha Konfurta Gaalkacyo ayaa gacan weyn siiyay Marineska Mareykanka oo hore taariikhda soo martay laga warhayo.
Odeyaasha beeshaas ayaa khaati iska taagay melishaadka Buracd-badeeda ah ee kolba kala tuura mashaariicda horumarineed ee aagooda laga hirgeliyo.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Marinesku ay aad ugu adkaan leheyd hawlgalka haadaaney reer Gaalkacyo gacan siin hawlgalka furashada ajaanibka.
Maliishaadka afduubka ku heystay haweeneyda Mareykanka ah Jessica Buchannan iyo nin Denmarka u dhashay oo la yidhaahdo Poul Hagen Thisted ayaa maalin walba halka ay joogaan ka kexeyn jiray si aan loo furan.
Marineska ayaa hawlgalkii shalay ku dilay ilaa sagaal ka mid ah malishadii afduubka ku heysatay labada ruux halka ilaa shan kalena ay baxsatay.
Mareykanka ayaan wax war ah ilaa haatan ka soo saarin gacanta ay reer Gaalkacyo ka geysteen furashada labada Samafale ee shalay la soo furtay.
Qurbejoog-Gaalkacyo
contact@somalidiasporanews.com
