|

Marka Uu Dalka Haysto Hoggaamiye Xun Bulshaduna Way Xumaataa

bileHogaamiyuhu sidiisaba waa tiirka mideeya ummaddaha hogaamiyuhu waa astaanta hagta qaranka  hoggaamiyuhu ummadsa ayuu kala hagaa si aan ummaddu isusoo gaadhin oo gacanta ugu qaadan sharciga halkaana dhibaato uga imaan hadii dal hogaamiyuhu u caafimaad qabo dadkiisuna way caafimaad qabaan hadii dal hogaamiyuhu ka xumaado ummaduna way xumaataa  somalilabd maanta wax qabsaday hoggaamiye buka hogaamiye   hogaamiye ciil qaba oo ku aargoosanaya awoodii qaranka iyo amaanadii loo dhiibtay isagoo weliba ka aarsanaya qayb ka mida shacabkiisa uu masuulka ka ahaa  AXMED SIILAANYO maalintuu xilka qabtay talaabadii koowaad ee uu qaadaa waxay noqotay inuu KALSHAALE ku duulo oo ciidankii qaranka maato geliyo talaabadii ku xigtayna waxay noqotay inuu muruq maskax iyo maalba isku dayo inuu xoog iyo awood ugu qaado WARSHADII SIBIDHKA GANACSADAHA ay isku jufada yihiin ee dahabshiil  talaabadii xigtayna waxay noqotay inuu 5 xildhibaan oo booba khasab kagasoo saaro saaxil talaabadii ku xigtayna waxay noqotay inuu taayirka mariyo DAD waynaha degmada AXMED-DHAGAX oo ah dad dalkan ku qaali ah taariikh cajiibana ku leh wuxuuna dooxyada ku daadiyet waraaqahoodii codaynta talabaadii ku xigtayna waxay noqotay inuu ku duulo BALI-DIIRIYE  talaabadii ku xigtayna waxay noqotay inuu ku duulo golaha waiilada iyo gudoomiye cabdiraxmaan cirro maantaba wuxuu marayaa inuu khasab iyo jujuub deked ugu dhiso qoyskiisa bal aduunka miyaad aragteen axmed siilaanyo mooyee madaxwayne xaalad abuur iyo duulaan u jooga oo weliba duulimaad ku ah kuwuu masuulka ka ahaa

DEKED YAA SAMAYNKARA?

Aduunyada sideedaba waxna shacabka ayaa qabsankara waxna haayado sharci u leh oo meel loo raaco leh ayaa qabta shacab way samaysankaraan school way samayankaraan dhakhtar way samaysankaraan ceelal biyood laakiin shacab weliba qoys ahi ma samaynkaraan DEKED sababtuna waxa weeya haday qoys deked sameeyaan yaa qaadaya masuuliyada qodobadan tusaale

A: yaa damaanad qaadayaa inaan goobtaasi noqon doonin goob laga dhoofiyo ganacsi sharci daro maadaama aan dawlad maamushaa jirin ee reer gacanta ku hayo

B: yaa qaadaya masuuliyada hadii goobtaasi noqoto marin lagaga duulo dalalka jaarka oo ay kasoo degaan jabhada ONLF iyo jabhada OROMADA oo lagaga duulo dawlada aynu jaarka nahay ee ethiopia ileen meeshii shacabaa haysta shacabna sharci xidhaa ma jiree

C: yaa qaadaya maauuliyada haday noqoto meeshaasi goob ay hubka kalasoo degaan al-shababta buuraha gal-gala joogtaa ama ay ka dhoofaan ama marin u noqoto Al-qaaciidada yemen

D: yaa qaadaya masuuliyada hadii budhcad badeed ka dilaacdo goobtaa oo lagaga duulo maraakiibta ganacsi maraya gacan-biyoodka badacas iyo baabu-mandab  Sidookale yaa ban qaadaya in aanay noqon doonin goob dadka laga tahriibiyo ama caruurta la.xado laga dhoofiyo ganacsiga hubka iyo daroogooyinka loo isticmaalo

Dhamaan qodobadaas aan soo sheegay oo dhan masuuliyadooda waxa qaadikara uun dawlad waxayna ka suuro gelikaraan goob ay gacanta ku hayso dawladi goob shacab gacanta ku hayo way hawl yar tahay in arimahaasi ka dhacaan weliba si fudud xukuummaddu maaha inay iyaduna qool madaxa isu geliso ummadda iyo aduunyada aynu wax la leenahayna qoorta isu sudho

Midna hala ogaado somaliland waa la wada leeyahay waana la kala leeyahay  axmed siilaanyo haduu maanta doonayo inuu ummad dhan intuu meel ka barakiciyo ummad kale ku beero taasi waa riyadii islaantii ma dhalayska ahaydee habeen walba ku riyoon jirtay iyadoo mataano dhashay marka waagu baryee xaqiiqadu hor timaado xaafadaha jaarka caruurta ku qabsan jirtay xaaji axmed haduu doonayo inuu saaxil magaalo habar-xabuusho ka dhigo  ha ogaado saa

Ahmed Bile Mohamed

Hargeisa, Somaliland

Comments are closed