|

Ruushka Oo Ka Digay Dagaal Caalami Ah Oo Dunida Ka Dhaca

ruush

Moscow — Raysalwasaaraha Ruushkha Dmitry Medvedev ayaa ka digay in ciidamo ka socda dalalka Carabta loo diro wadanka Siiriya, tilaabadaasi oo uu sheegay inay keeni karto dagaal Caalami ah oo ka duwan kan hada ka socda dalkaasi.

Dmitry Medvedev oo todobaadkan wareysi siiyey jariirada Handelsblatt oo kasoo baxda dalka Germany, ayaa mar la weydiiyey sida uu arka hadalka kasoo yeedhay wadanka Sucuudiga oo sheegay inuu ciidamada dhulka u diri doono Siiriya si loola dagaalamo kooxda Daacish.

Medvedev oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi “…Maraykanka iyo dalalka Carabta waa inay ka fekeraan inay doonayaan dagaal caalami ah iyo in kale…” isagoo sheegay in dowlada Siiriya oo ah xulafadooda ay kasoo horjeedo wax ciidamo caalami ah oo dalkooda la keeno.

Ruushka oo sheegay in iyagu joogitaankooda Siiriya ay ogolaansho ka heystaan xukuumada Bashaar Assad ayaa dhinaca kale sheegay in aan loo dulqaadan doonin ciidamo kale oo si amar la aan ah iska soo gala gudaha wadankaasi.

Dhawaaqa digniinta ah ee kasoo baxaya Ruushka ayaa lagu soo beegay xili uu socdo qorshe uu Maraykanka ku lug leeyahay oo lagu doonayo in ciidamo ka socda dalalka Khaliijka loo diro gudaha Siiriya si ay gacan u siiyaan xoogaga mucaaridka ee kasoo horjeeda Xukuumada Bashar Al assad.

Dalalka Ruushkha iyo Maraykanka ayaa khamiistii shir ay Wasiiradooda Arrimaha Dibada ku yeesheen magaalada Munich ee dalka Germany, meel isla dhigay in la hakiyo dagaalada ka socda Siiriya si gar gaar bini’aadamnimo loo gaarsiiyo dadka shacabka ah ee ku go’adoonsan magaalooyinka ay dagaalada ka socdaan.

Hase yeeshee Hogaamiyaha Siiriya Bashar Al Assad oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in xiligan xabad joojin aysan suurto gal ahayn, isagoo ku goodiyey inuu soo afjari doono dagaalka uu kula jiro kooxaha kasoo horjeeda.

Dhinaca kale kooxaha Mintidiinta Nusra iyo Daacish ayaan iyagu wax kaalin ah kulahayn wadahadalada ay Beesha Caalamka ku dooneyso inay ku wada hadalsiiso dowlada iyo Mucaaridka, arrintaasi oo meesha ka saareysa in la helo xabad joojin rasmi ah.

Sucuudiga ayaa sheegay inuu diyaarado dagaal oo Suuriya ku waajahan u dirayo dalka Turkiga. Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay diyaarado dagaal geysan doonto saldhig Turkiga ku yaalla, halkaasi oo ay ka weerrari doonto ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ee Suuriya.

Mr Cavusoglu ayaa sidoo kale sheegay in ciidammo dalkiisa ka socda iyo kuwo Sacuudi ah ay suuragal tahay in ay si toos ah ula dagaallamaan ururkaasi.

Labada dal ayaa taageera xooggag ka dagaallama gudaha Suuriya, kuwaasi oo todobaadyadii dambe dib u guranayay duqeymaha Ruushka awgood.

Ruushka ayaa ka digay in ciidammo shisheeye oo cusub ay ka qeyb qaataan dagaalka dhulka ah ee ka socda Suuriya, isaga oo sheegay in taasi uu ka dhalan karo dagaal adduunka qabsada.

Geesta kale, Mareykanka ayaa sheegay in madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Assad, uu ku khaldan yahay fikirkiisa ah in cudud milateri uu guul uga gaari dagaalka dalkiisa ka socda.

Maraykank ayaa ka jawaabay waraysi uu Bashaar Jimcihii siiyay wakaaladda wararka ee Faransiiska, waxa uu ku sheegay inuu sii wadayo dagaalka ilaa uu gacanta ku dhigayo guud ahaan Suuriya.

Geeska

Comments are closed