|

Markab Burcad heysato oo sahaydii ka dhamaatay

Bossaso March 28, 2024 (QJ) -Markabka laga leeyahay dalka Bangaladesh oo ay afduubteen kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa la filayaa in dhawaan uu ka dhamaado sahayda muhiimka ah.

MV Abdullah ayaa weli waxaa gacanta ku haya burcadbadeedda, inkastoo ay jireen warar sheegaya in wada-xaajood ay yeesheen burcada iyo mulkiilayaasha.

Hayadaha Amniga badaha iyo mulkiilayaasha maraakiibta ayaa warkan u xaqiijiyay warbaahinta gudaha.

Markabka ayaa waxa uu sitay sahay raashin ah oo ku filaa ku dhawaad 25 maalmood markii la afduubay 12-kii March, balse burcadbadeedda ayaa sahayda ku isticmaalay 16 maalmood gudahood.

Markabkan oo ka soo ambabaxay dalka Mozambique kuna sii jeeday dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, safarka ayaa ahaa mid qaadan lahaa 15 mqqlmood.

Comments are closed