|

Xildhibaanada labada aqal oo loo qeybiyay waxkabdelkii lagu sameeyay Dastuurka

Muqdisho March 28, 2024 )QJ) -Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u guddoomay qoraalka Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo wax laga bedelay.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka federaalka Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa xubnaha u akhriyay qoraalka rasmiga ah. Xildhibaan Iidow ayaa sheegay in 316 Xildhibaan ay wax ka bedel ka kooban 61 qodob soo bandhigeen. iyadoo

Waxaa isbedel lagu sameeyay cutubka afaraad oo ay ka mid yihiin in laga noqday soo jeedintii xilka madaxweyne ku xigeenka, iyadoo madaxweynaha ay dooranayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu soo magacaabi doonaa ra’iisul wasaare ka tirsan xisbigiisa, kaasoo madaxweynaha uu xilka ka qaadi karo.

Muddada xil-haynta xubnaha baarlamaanka ayaa lagu sheegay shan sano. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledyada ayaa waxaa soo dooran doona shacabka, iyadoo Madaxda Dowlad Goboleedyada loogu yeeri doono “Hogaamiye”.

Marka la eego matalaadda xisbiyada, markii hore waxaa la soo bandhigay laba xisbi, balse hadda saddex xisbi ayaa la aqoonsaday, kuwaas oo ku soo baxi doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka.

Comments are closed