Uncategorized

Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Kulan u qabatay Haweenka Ciidamada ee darajooyinka qaatay

Hargaysa 11.Sep 2013 (SDN)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamed Jirde (A Weris) ayaa maanta xaflad u samaysay haweenkii ka tirsanaa ciidamada ee helay derejooyinka kuna sugan magaalada caasimadda ah ee hargaysa.

haweenka ciidankaMunaasabadaasi oo ka dhacday Hotel Ambassador ee magaalada Hargaysa waxaa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenada wasaaradaha shaqada iyo arimaha bulshada iyo caafimaadka oo ay wehelinayeen la taliyaha haweenka ee madaxweynaha iyo  taliyaha ciidanka Booliska somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi fadal iimaan, taliye ku xigeenka ciidanka asluubta G/sare Xasan Cali dheere, gudoomiye ku xigeenkla xisbiga Kulmiye Maxamed kaahin Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Haweenka darajooyinka qaatay ayaa isugu Jiray Gaashaanleyaal, Kabtano, Xidigle, Saddex Xadhigle, Laba Xadhigle, Xadhigle, Saddex Alifle, Laba Alidle, iyo Alifle.

Marwo Amaal xaaji Miisaan la taliyaha madaxweynaha ee arimaha haweenka ayaa munaasabadaasi ka sheegtay in ujeedada munaasabadani tahay mid lagu soo dhoweynayo haweenkii derejooyinka kala duwan ka helay ciidamada qalabka sida, talaabadanina ay qayb ka tahay balanqaadadii xukuumadda eek u aadanaa derejo bixinta ciidamada iyo door inay haweenku ku yeeshaan talada wadanka.

Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamed Jirde (A Weris) ayaa iyaduna xafladaasi ka tilmaantay sida ay xukuumadda somaliland diyaarka ugu tahay inay haweenka dalku qaybtooda ka qaataan horumarinta dalka iyo ka qayb qaadashada siyaasadda iyo difaaca wadanka.

Marwada madaxweynuhu waxa ay sheegtay in ay si kal iyo laab ah u soo dhoweynayso haweenka nasiibka u yeeshay derejooyinka kala duwan ee gaadhsiisan illaa heer gaashaanle. Waxana ay marwadu u rjaysay in haweenka somaliland ay mustaqbalka dhow ka gaadhaan ciidamada derejada Jananka.

Xubanaha haweenka ah ee ka tirsan golaha wasiirada ee soo xaadiray xafladaasi oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku xigeenada wasaaradaha caafimaadka iyo qoyska marwo nimco xuseen Qawdhan iyo Marwo shukri xariir (Sida ay u kala horeeyaan) ayaa madaxweynaha somaliland si weyn ugu mahadceliyey doorka ay haweenku ka heleen derejooyinka ciidamada.

taliyaha ciidanka Booliska somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi fadal iimaan iyo , taliye ku xigeenka ciidanka asluubta G/sare Xasan Cali dheere oo ay wehelinaysay Gaashaanle Hibo Maxamed Biixi oo ah taliyaha u saraysa haweenka ciidanka boolioska somaliland ayaa dhamaantood uga mahadceliyey marwada madaxweynaha munaasabadan qaaliga ah ee ay u samayusay haweenka qaybta ka helay derejooyinka ciidamada.

madax

haweenku

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com