|

Wasiir Caddami Oo Ka Hadlay Dekedda, Muddo Kordhinta Iyo Saami-Qaybsiga Kuraasta Wakiillada

Hargeysa, 3,8,2016 (QJ/SDN) -Wasiirka wasaarada gaashaandhiga somalland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay heshiiska Dekeda Berbera iyo buuqa ka taagan ee deegaanka.wwwwwwww

Wasiir Cadami oo ka hadlaya heshiiska Dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi “Wax walba haddii cirka loo laado cid faa,iidaysaa ma jirto wakhti lumis ayaanay noqonaysaa, dadkuna xaq ayuu leeyahay oo rayigiisa wuu cabiri karaa oo nidaamka aynu qaadanay ayaa ah in lays dhagaysto oo lays maqlo, laakiin haddii ay fawdo noqoto dawladnimadii iyo qaranimadii ayaa lumaysa, Anigana waxay ila tahay in wax walba sida ay tahay looga baaraan dego, qofkana yaan la cabudhin ee rayigiisa hala dhagaysto taasina yaanay inaga qaadan wakhti aan inaga g’i karin,  iyo wakhti aan dawladda ka go’i karin oo dadka aynu heshiiska la galnay ama aynu damacsanayn inaynu la galno yaanay dib inooga ridin ama innaga eryin, waayo laysku fadhiyi maayo wax walbana xad ayey leeyihiin, arbushkuna wakhti ayuu leeyahay, hawlo badan oo qabyo ah ayaana Somaaliland u yaala, heshiiska Dekeda Berbera waa heshiiskii ugu badnaa ee la soo hadal qaado taariikhda Somaliland waxaana daruuri ah in sheekada la soo afjaro oo wax dadka, dalka iyo deegaankuba ogol yahay oo raali lagu wada yahay lagu soo afjaro”

Wasiir Cadami oo mar kale ka hadlaya mudo kordhinta la hadal hayo in xukuumada loo sameeyo ayaa waxa uu yidhi “Anigu wasiir xukuumada ka tirsan ayaan ahay  ilaa hadana wax mudo kordhin ah oo la samaynayo maan maqlin, qof laga hayo mudo kordhina maan arag mana maqal ee waxa haboon in aad looga fiirsado hadalada aan la hubin ee suuqyada laga yidhaahdo.”

Wasiir Cadami oo aanu wax ka waydiinay sida uu u arko go’aankii xisbiyada qaranku madaxweynaha dib ugu celiyeen saami qaybsiga kuraasta wakiilada  ayaa waxa uu yidhi “Dadka waxba lama wada waydiin oo cod lama qaadin  oo lama odhan sida loo badan yahay hala eego, arinaka saami qaybsiguna wali kama danbays maaha, asxaabtuna waa kuwan madaxweynaha dib ugu celiyey, madaxweynaha laftiisuna dad ayuu la tashanayaa oo kaligii albaabka xidhan maayo ee waxa uu soo saaro ayeynu sugaynaa”

Comments are closed