|

Masar iyo Eritrea oo taageeray madaxbanaanida Soomaaliya

Qahira February 25, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa la kulmay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, iyagoo ka wada hadlay madaxbanaanida Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Intii uu socday kulankooda rasmiga ah ayaa madaxdu waxa ay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbanaanida Soomaaliya, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in ay muhiim u tahay nabadda Geeska Afrika.

Kulanka ayaa lagu muujiyay sida ay Masar iyo Eritrea uga go’an tahay sare u qaadista xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, sida dhaqaalaha, ganacsiga, iyo amniga.

Si kastaba ha ahaatee, madaxbanaanida Somalia ayaa ahaa qodob muhiim ah oo laga wada hadlay, iyadoo labada Madaxweyne El-Sisi iyo Afwerki ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya la taageero si looga hortago wax kasta oo khalkhal gelin kara xasilloonida gobolka.

Masar iyo Eritrea waxay muujiyeen rabitaankooda ah inay si wanaagsan uga qayb qaataan nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Xiisada Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ay Somaliland bishii January ogolaatay inay 20 KM oo xeebeedkeeda ah ka kirayso Addis Ababa muddo 50 sannadood ah, ujeeddaduna tahay inay saldhig ciidan iyo deked ganacsi ka samaysato.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiskan, iyadoo u aragtay inuu xadgudub ku yahay madax banaanida Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah heshiiskan, iyadoo sheegtay inuu wax u dhimayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Comments are closed