|

Madaxweyne Xasan: Soomaaliya waa ay is difaaceysaa

Muqdiho February 25, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkiisu uu is difaaci doono haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiska ay saldhig milatari uga sameysaneyso maamulka isku magacaabay Somaliland, isagoo sidoo kale sheegay in dhulka lagu muransan yahay ay u aqoonsanayaan dhul ay leeyihiin.

Itoobiya oo aan lahayn wax xeeb ah ayaa 1-dii January heshiis horudhac ah oo ay ku kireynayso 20 Km (12-mile) oo dhul ah oo ka tirsan Somaliland la saxeexday, dhulkaas oo ay Soomaaliya sheeganayso, in kasta oo gobolka Waqooyigu uu is maamulo tan iyo sannadkii 1991-kii.

Itoobiya ayaa sheegtay inay doonayso inay saldhig milateri ka samaysato halkaas, iyadoo ku badelatay inay suurtogal tahay inay Somaliland aqoonsato madax-bannaanideeda—tallaabadan oo ay Soomaaliya ka soo horjeedo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in kaliya uu doonayo in uu wada hadal la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, haddii ay xukuumadda Addis Ababa dib u qiimeyso qaabka ay ula macaamilayso Soomaaliya.

Maxamuud ayaa xusay in qiyaasaha dowladdiisa ay muujinayaan in Al-shabaab ay qorteen inta u dhexeysa 6,000 ilaa 8,000 oo dagaalyahanno cusub ah Jannaayo oo keliya.

Comments are closed