|

Mas’uuliyiinta Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil ee Xukuumadda Ku Jira oo Kulan ay Isugu Yimaadeen isku Faro saaray

Hargaysa 30 , June , 2016 – (SDN/QJ):- Kulan Casho iyo Afu-fur isugu jiray oo ay magaallada Hargeysa ku yeesheen badi Mas’uuliyiinta xukuumadda Somaliland ee ka soo jeeda gobolka Saaxil ayaa natiijadiisu ku dhammaatay gacan hadal lagu kala saftay, taasoo meesha ka saartay nuxurkii iyo ejendihii la isugu yimi.
Mas’uuliyiintan oo tiradoodu u dhaxaysay sideed illaa 10 xubnood kuwaas oo dhammaantood xasaannadooda lagu magacaabay digreeto madaxweyne ayaa kulankankoodan cashada ah oo isugu jiray Af-fur iyo fadhi waxaa nuxurkiisu ahaa sidii ay wax iskaga weydiin lahaayeen arrimaha waqti xaadirkan ka aloosan deegaanka ay ka soo jeedaan, taas oo ay ugu mudan tahay arrinta maalgelinta lagu samaynayo dekeda Berbera oo dadka deegaankaasi iska caabin kala hor yimaadeen fulinteeda.
mas'uuliyiinta Gobolka SaaxilKulanku waxaa uu ka qabsoomay Hotel-ka loo yaqaanno Lake Asal ee magaallada Hargeysa, waxaana sida uu Wargeyska HUBAAL Xogta ku helay ka qayb galay mas’uuliyiinta heer digreeto kaga magacaabay golaha fulinta [xukuumadda] ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo Hoggaamiyo, ayaa sida qorshuhu ahaa ku talo galkoodu ahaa sidii loo lafo guri lahaa caqabadaha hortaagan mashruuca ay Xukuumadda ay ka tirsan yihiin iyo Shirkadda DP World qalinka ku duugeen ee ku saabsan Dekeda Berbera iyo horumarinteeda, hase yeeshee sida warku tibaaxay kulankaas oo laba habeen qabsoomday isla markaana ay ka soo qayb galeen xubnahani waxaa isagu far kaga gabaday in uu soo fadhiisto oo uu yimaado kana qayb galo shirkan Maareeyaha dekedda Berbera Cali Cumar Xoorxoor oo labadaas jeerba cudur daar la’aan kaga baaqday, kaasoo ra’yul caamka bulshada Somaliland, gaar ahaanna gobolka Saaxil ay mabda’iisa la xidhiidha xiisaddan ku maseeyeen Ciyaartii goroyada , iyagoo farta ku goday mabda’iisa la xidhiidha heshiiska dekedda oo ay aaminsan yihiin inaanu ogolayn oo uu hoosta kaga mucaaradsan yahay xukuumadda uu ka tirsan yahay, taas bedelkeedana uu kamid sidadban u hurinayo dabka kacdoonka ay reer Saaxil kaga soo horjeedaan mashuurcan.

Tirada xubnaha iyo magacyada qorsheysnaa in shirku kulmiyo iyo inta ka baaqatay ayaa kala ahaa

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Sacad Cal Shire
Wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaannada xoollaha Cali Maxamed Cilmi (Gadh-dheer)
Wasiir ku xigeenka wasaaradda wershadaha Cali Axmed Dhegoole
Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case)
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Saleebaan Siciid Cali
Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Bulshada Maxamed Faarax Xirsi (Maxamed Faaraxo)
Maareeyaha Xidhiidhka raashinka qaranka Siciid Xasan Cabdillaahi.
Maareeyaha dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor)oo isaga laftiisu kamid ahaa saraakiisha gobolka Saaxil kasoo jeeda ee madashaas lagu martiqaaday, ayaa ka muquurtay kulankaas, isagoo kasoo horjeeda mashruuca dekedda Berbera lagu maalgelinayo.
Markii fadhigani muddo kooban socday, isla-markaana ay madasha ka hadleen xubno kooban oo saraakiisha isku gobolka ah ee xukuumadda xilalka kala duwan ka haya kamid ah, ayaa waxa uu afku ka qalloocsamay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Diinta iyo waliba Warfaafinta Sheekh Saleebaan Siciid iyo Maxamed Ilkacase, kuwaas oo gacanta iskula tegay.

Sida ay wargeyska Hubaal u xaqiijiyeen xubno markaas goob-joog ahaa. Xogta aanu kulankaas ka helnay, ayaa intaas ku dartay in isku dhaca labadan masuul yimi kadib markii xubnihii kulanka joogay laba garab u kala jabeen, isla-markaana qaar badan oo kamid ahi kasoo horjeesteen mashruucaas, isla-markaana goobta kaga dhawaaqeen inuu yahay mashruuc aan Somaliland dani ugu jirin.

Xubnaha heshiiska marsada Berbera lagu wareejinayo difaacayey oo uu kamid ahaa Agaasime Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa goobta ka sheegay inuu mashruucani yahay mid mudan in la taageero, gaar ahaan xubnaha xukuumadda u shaqeeya ee mushaharka qaranka ka qaata ay waajib ku tahay inay taageeraan aragtida madaxweynaha qaranka, taas oo keentay in hadalku kulalaado.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Maxamed Ilkacase, ayaa si badheedh ah uga horyimi soo jeedinta agaasime Sheekh Saleebaan, isagoo hadallo aflegaaddo ah ku ganay dhiggiisa heshiiska taageersan, isla-markaana adeegsaday erayo ay kamid ahaayeen “Waxad tahay guulwade weynaaday, cidda kusoo dirtayna waanu garanaynaa”, waxana arrintaasi cadho gelisay agaasime Saleebaan Siciid oo si degdeg ah gacan u saaray agaasime Ilkacase. Xubnihii kale ee meesha joogay, ayaa ku dhex milmay dagaalka labada agaasime, kuwaas labada dhinac kala raacay, waxana kulankaasi ku dhammaaday fadqalalo iyo dagaal salka ku haya xubno mucaaradad hoose ku haya xukuumadda ay katirsan yihiin.
Kulan dambe, ayaa loo ballamay, waxana xubnahani kala kaceen, iyagoo aan sidii la rabay u axadhin qoddabadii ajandahoodu ahaa, waxana loo ballamay fadhi dambe, iyadoo xubno badani codsadeen in goobta la keeno Maareeye Cali Xoor xoor o loo arkayo inuu wado qorshe dabin-ka bood ah oo uu diidan yahay in la helo aragtidiisa dhabta ah ee heshiiska dekedda Berbera la xidhiidha.

Xubnaha xukuumadda katirsan ee mucaaridsan heshiiska dekedda Berbera, ayaa ku andacooday inuu jiro dhaqaale hoose oo meesha la mariyey aan la caddayn, kaas oo sanqadhiisa laga qariyey reer Berbera, balse deyaankiisa la maqlayo. Wararka dagaalka xubnaha xukuumadda ku jira ee reer Saaxil, ayaa bulshada qaarkeed si hoose u gaadhay, waxana warkan si weyn looga hadal hayaa deegaanka gobolka Saaxil, iyadoo su’aasha la is weydiinayaa waxa sababay in xubno madaxweynaha u shaqeeyaa hoosta ka wadaan mucaaradad iyo dagaal hoose oo horumarka dalka kamid ah.

Comments are closed