|

Mas’uulkii Sadexaad ee Xil Wasiirnimo ka soo Qabtay Xukuumada Siilaanyo oo Cisbitaalka Guud ee Hargaysa lagu dabiibayo

Wasiirkii Hore ee Wershadaha Abiib Diiriye Nuur (Timacad) Waxaa uu Saddex Ku Yahay Laba Wasiir Oo Soo Maray Xukuumadda Oo  Intii Lagu Gudo Jiray Bishan Barakaysan Ee Ramadaan   Cusbitaalka La Dhigay

Hargaysa 03.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee wasaaradaha warfaafinta iyo Wershadaha ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo  Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) ayaa xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaalka guud ee magaallada Hargeysa kadib markii uu ku soo booday xanuun kedis ahi afurkii Jimcihii dorraad.

abiib timo cadSida uu xaqiijiyey Cabdiqani Abiib Timacad oo kamid ah ubadka uu dhalay Abiib Diiriye Nuur,  xaaladda caafimaad ayaa la soo gudboonaatay   isaga oo bishan dabayaaqada ah ee ramadaan ku soomayay xilli uu xanuunka sonkorta la nool yahay.

Inkastoo ay dhakhaatiirtu ku sheegeen  xaaladiisa Caafimaad in aan si adag looga deyrin Abiib Diiriye Nuur hadana waxa lagula tacaalayaa Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo loo soo qaadey niskii dambe ee habeen hore markii uu kasoo rayn waayey xanuunka oo kuiyimi afurkii intii ka dambaysay.

Cabdiqani Abiib Diiriye Nuur ayaa sheegay in hada xaalada aabihii kasoo raynayso sidii hore islamarkaana,sitoos ah loogu bilaabay daawadii.

Abiib Diiriye Nuur oo xilal kala duwan oo wasiirnimo ah ka soo qabtay xukuumadihii kala dembeeyey ee Somaliland Soo maray waxaa uu noqonayaa masuulkii saddexaad ee xil wasiirnimo ka soo qabta xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ee  intii lagu gudo jiray bishan barakaysan ee Ramadaan xaalad caafimaad loo jiifiyo Cusbiitaalka guud ee Hargeysa, waxaana ka horreeyey Wasiirkii hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaalle iyo Wasiirkii hore ee MAalliyada Maxamed XAashi Cilmi oo labadaba la dhigay waadhadhka lagu dabiibo xanuunnada ee cusbitaalka wallow ay labadooduba ka baxeen cusbitaalka kadib markii ay dhakhaatiirtu fasaxeen, xaalladooduna ka soo raysay.

Comments are closed