|

Wefdi saxafiyiin ah oo madaxwaynaha Puntland Mr Gaas kala Xaajoonaya Xidhitaankii Radio Daljir

Gaalkacyo 03.July 2016 (SDN/QJ):- Wafdi ergo ah oo u badan saxafiyiin  ka hawl gala Puntland ayaa safar ku tagay magaalada Gaalkacyo si ay wada xaajood ula yeeshaan madaxwaynaha Puntland C/weli Maxamed Cali “ Gaas”, ugana codsadaan in xayiraadda laga qaado warbaahinta Dajir oo maalinkii 10-aad xiran.

DALJIRSaxafiyiinta gaaray magaalada Gaalkacyo ee qorshaynaya inay madaxwaynaha arkaan waxaa kamid ah madaxda ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, madaxda iyo shaqaalaha Radio Dajir xarumihiisa Puntland iyo waliba saxafiyiin kale oo warbaahinno kale ka shaqeeya.

Ujeedka socdaalka saxafiyiintan ayaa ah inay madaxwaynaha u bandhigaan muddada ay xiran yihiin inay ku xirnaayeen sifo sharci daro ah isla markaana ay waydiisanayaan in xayiraadda la qaado.

Dhammaan xarumaha Radio Daljir ayaa hawada ka maqan gaar ahaan magaalooyinka waawayn ee Puntland.

Waa xayiraaddii ugu waqtiga dheerayd ee Puntland kusoo rogto warbaahin, tan iyo markii uu xilka qabtay madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Comments are closed