|

Maxaa Loo Asaasay Basaasinta Ingiriiska?

London 15. June 2017 (SDN/QJ):-Waxay ahayd cah-digii William Shakespeare oo qarnigii 15aad ahaa , waagaasi nabad buuxda ayay ku jiray dalka Ingiriisku. Haddana xaqiiqda jirta ayaa ahayd in boqoradii Queen Elizabteth ay samaysay hay’adaha sirdoonka qarsoon mid ka mid ah kuwaasi oo abid aan soo marin lagana unkin caalamka.

Waxaana taasi sabab u ahaa kacaankii Diiniga ah ee xiligaasi ruxayay Ingiriiska, mad-habta Protestantka ee Kiristaanka ay si weyn uga soo horjeeday, loolan adagna uu ka dhexeeyay mad-habta Catholic.

 

Boqoradu kamay xishoon umana naxariisan in ciqaab dil ah lagu fuliyo kuwa u xamaasadaysan diinta ee u cadhaysnaa boqoradda sebenkaasi.  Mid ka mid ah kuwii uu xafliitanku ka dhexeeyay Shakespeare suugaan yahanaka Ingiriis, ayaa lagu magcaabi jiray Christopher Marlowe.

Waxa uu ahaa riwaayad same caan noqday oo aad loo xiisayn jiray, laakiin dhinaca kale waxa uu hayay shaqooyin kale.

Wuxu ahaa sirdoon caan ah oo boqoradda u sheqeeya, inkasta oo uu caan ku ahaa riwaayad samaynta, gabayada iyo isagoo ahaa turjumaanka boqorodda. Waxaana uu ahaa nin dhib badan oo xataa mar tooray ku dilay nin kale.

Laakiin markii uu dhintay isagoo 29 sano, muu helin fursadda uu caan ugu noqdo gabayadiisii iyo riwaayadihiisa oo weliba aad loo xiisayn jiray, haddana waxa hoos u dhigay sumacadiisa shaqadii basaasidda iyo tartankii uu kula jiray odayga caanka noqday ee Shakespeare.

Isagoo waagaasi gabayadiisu iyo riwaayadihiisa la xiisayn jiray haddana manta loo xusuusna sida Shakespeare.

Comments are closed