|

Qiso: Shakigu Waa Qayb Ka Mid Ah Waalidda!

Hargaysa 15. June 2017 (SDN/QJ):-Markay  lamaanuhu maxkamadda tegeen ayuu ninkii Qaadiga ka codsaday inuu doonayo in laga furo gabadhiisa, laakiin Qaadiga ayaa waydiiyay maxa dhacay ee aad u furaysaa?

Ninkii ayaa yidhi “Qaadi, maalintii iigu horaysay ee aan guursaday gaadhigayga ayaa la iga duqeeyay.

Toddobaad arrooskayaga ka dibna waxaa  gubtay gurigii aanu jaarka ahayn,  Aabahyna wuxuu dhintay intii aan iyada guursaday”.

 

Gabadhaasi miskiinada ahi mar keliya may hadal iyadu, markuu hadalkii dhameeyay  ayuu qaadigu ku yidhi   “Miyay  jiraan wax kale oo aad kaga cabanaysaa?  Waxaanu yidhi  “Maya” .

Qaadiga ayaa ku yidhi “Arrimahan aad sheegtay waa arrimo Qaddarka ALLE  ku dhaca, ma aha kuwo ay  iyadu  awood u leedahay dhicidooda iyo joojinteeda, markaa Allaah ka baqo oo talo saaro, haddii aanay jirin dhib aad iyada kaga cabanayaso”.

Ninkii ayaa yidhi “Maya, dhib iguma hayso way ii wanaagsan tahay, laakiin wax kastoo dhib ahi waxay dhaceen intii aan guursaday”.  Qaadiga oo ahaa nin degan oo caqli badan ayaa ugu danbayntii ku guulaystay inuu ninkaasi ka saaro shakiga uu ku baabiinayo   gurigiisa.

Comments are closed